DHAGEYSO: Ilka Xanaf oo Banaanka soo dhigay Sir culus & Fadeexado badan oo uu hayay

Filed under: ARIMAHA BULSHADA,WARARKA MAANTA,XULKA WARARKA |

Guddoomiyihii hore ee maxkamadda sare Abuukaate Ceydiid Cabdulaahi Ilka- ayaa ku eedeeyay madaxda DF in ay mar hore qorsheeyeen in ay dib u dhacdo doorashada Soomaliya ka dhacaysa Sanadkaan 2016-ka.

Ceydiid Cabdulaahi Ilka-Xanaf ayaa sheegay in dhowr jeer oo hore ay dib u dhacday doorashada tanina ay tahay mid kutala gal ah lana doonayo in la jahwareeriyo Shacabka islamarkaana ay jirto isdaba marin.

Ugu Dambeyntii Guddoomiyihii hore ee maxkamadda sarE Abuukaate Ceydiid Ilka-Xanaf ayaa ugu baaqay dhamaan siyaasiyiin iyo shacabka In ay ka shaqeeyaan sidii doorashada u dhici laheyd, lagana fogaado waxkastoo keeni kara isku dhac.

Maalinta Arbacada oo Taariikhda ay ku beegan tahay 24/11/2016 ayaa lagu wadaa in la doorto gudoomiya baarlamanka balse ma muuqato ifaalo muuijnaya doorahada Gudoomiyaha baarlamanka Soomaliya iyadoo aan lasoo dhameystirin Xildhibaanada Aqalka Hoose.

FADLAN ARAGTIDAADA HALKAN KA DHIIBO

RA'YIGA DADWEYNAHA