Madaxweyne Gaas”QM ayaa Faraha kula jirta Arrimaha Soomaaliya”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas oo ka hadlayay Munaasabad lagu Xusayay Markii la aas-aasay Puntland ayaa ka hadlay Arrimo badan oo Quseeya Xaaladda Soomaaliya.

Madaxweyne C/wali Gaas ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka baxday KMG-kii Balse ay Faragalin ku hayaan Wakiilkii hore ee QM Arrimaha Soomaaliya N.Kay iyo Wakiilka hadda ee QM u Jooga Soomaaliya  mr Kitting.

header

“Soomaaliya waa ay ka baxday Kumeelgaarkii waxaa ii muuqata in ay jirto Faragalin ah QM ay ku hayso Arrimaha Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweyne C/wali Gaas.

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa imaanaya iyadoo QM dhawr jeer ay sheegtay in aysan Aqbali doonin dib u dhac ku yimaadda Doorashada Soomaaliya ee 2016.

FADLAN ARAGTIDAADA HALKAN KA DHIIBO

RA'YIGA DADWEYNAHA