Shacabka Muqdisho oo ka Cabanaya Dhaqan xumo & Musuq maasuq xoogan

Filed under: WARARKA MAANTA |

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa dhowr jeer Shacabka hortooda ka balanqaaday in ahmiyad weyn dowladiisa ay siin doonto la dagaalanka Musuq maasuqa.

Inkastoo ay jiraan isbedelo ay dowladiisa kaga duwan tahay dowladihii hore hadana Musuq maasuqa Soomaaliya waa mid dhinac kasta ku baahay.

Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya musuq maasuq ka taagan Xarunta Taraafikada (Visha Traffico).

Dadka wata gaadiidka nuucyadiisa kala duwan ayaa qeylo dhaan ka muujiyay dhaqan xumo iyo musuq maasuq baahay oo lagu hayo.

Ciidamada Taraafikada ayaa shaqeeya oo kaliya 8:00 Subaxnimo illaa 12:00 duhurnimo, wixii intaasi u dhaxeeya waxa ay qabsadaan gaadiidka shacabka ay wataan yar iyo wayn, oo ay waydiiyaan sharciga wadista gaadiidka, kolka loo soo bandhigana waxa ay gaadiidka ku qabsadaan qalad aanan jirin oo ah inuu istaagay meel aanan sharci aheyn.

Qof ka mid ah dadka ku nool Magaalada Muqdisho ee gaadiidka wata, ayaa ka waramay wixii kala qabsaday askari ka tirsan ciidamada Taraafikada oo u kaxeeyay Xarunta Taraafikada (Visha Traffico), xilli sharciyada wadista gaadiidka ay u dhamaayeen.

“Anigoo wadada maraayo, ayaa askari ka tirsan ciidamada Taraafikada I istaajiyay, waan u istaagay kadibna wuxuu i waydiiyay sharciga wadista gaadiidka iyo buuga gaariga, dhamaan waan tusay sharcigeyga wadista Baabuurka iyo midka buuga gaariga, kadibna wuxuu askarigii i dhahay qalad ayaad gashay xarunta Taraafikada ayaa ku geynaa, kadibna anigoo isku kalsoon ayaan dhahay i geey.” Ayuu yiri

Wuxuu hadalkiisa intaasi ku daray “Askarigii waxa uu war ka bilaabay taliye baabuur qalad galay ayaan soo qabtay, isagana dacwad aan qabaa ayuu leeyahay, illaa intaas waxaan islahaa hadal ayaa lagu dhihi doonaa, taliyaha fadhiya meesha waxa la iigu sheegay magaciisa Baakay,Taliyaha wuxuu hadal ka bilaabay isagoo leh anaga shacab ma dhagaysanee askari waa fasaxan tahay waajibkaada waa gudatay, adigana yaroow 30$ oo ganaax ah iska bixi, waxaan ku dhahay marka hore maa i dhagaysatid taliye? waxa uu u yeeray 2 askari waxa uuna amray hadan hadalka badiyo in la ixiro dadki dhan ayaa halmar gees iila baxay oo yiri meeshan maanta ma kuugu horeysa.”?

“Sxb waqti ha iska dhumine iska bixi lacagtan ilaahaa meel kale kaa siinaayee ,lama yaabaneen lacagta laakiin sida wax u dhacayaan ama xafiiskaas uu shacabka ula tacaamulo iyo dadka dulman ayaan aad ula yabay,Waxaase iiga sii darneyd markaan bixiyay lacagtii aheyd $30 oo u dhiganta 690,000 shilin Somali. boonada la isiiyay waxaa ku qornayd ganaax dhan 100,000 Shilin Somali waan sii quustay halka ay wax marayaan markaan arkay.”

header

Caddaalad daradan oo ka taagan Xarunta Taraafikada (Visha Traffico), ayaa u baahan in wax laga qabto, maadaama shacabka ay ku dulman yihiin Xarunta Taraafikada (Visha Traffico) oo ay isugu tageen askar calooshood u shaqeystayaal ah oo qoriga Dowladda si dadban wax ugu baarta.

FADLAN ARAGTIDAADA HALKAN KA DHIIBO

RA'YIGA DADWEYNAHA