Yaa Maalgaliya Mucaaradka ka soo horjeeda Dowlada Farmaajo, Shaqsi aan la fileyn?

Filed under: WARARKA MAANTA |

Inkastoo xiisad adag ay ku dhex jirto Dowlada Soomaaliya ee uu hogaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo hadana waxaa jira Shaqsiyaad dano gaara ka dhex arkaya xaaladaha cakiran ee heysta Dowlada Federaalka.

Masuul diiday in magaciisa iyo xilka uu hayay aan sheegno ayaa sheegay in Ra’iisul wasaarihii hore ee Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke uu hormuud u yahay Xiisadaha adag oo ay ku dhex jirto Dowlada Soomaaliya.

header

Lacago aad u badan ayuu sheegay inay ku baxday Mashruucaan lagu dilayo Kalsoonida shacabka ku qabeen Madaxweyne Farmaajo.

Cumar Cabdi rashiid ayaa sababta uu fara galinta ugu hayo arimaha Siyaasada Soomaaliya waxaa lagu sheegay inuu dhaqaale fiican ka soo helay Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Kheyre ayaa la kulmaya cadaadis dhinac kasta kaga imaanaya, waxaana shacabka ku ifinaya Xubnaha Damu jadiid Xamar u jooga oo lacago aad u badan Saxaafada ku siiya si ay wararkooda u buun buuniyaan iyo Shaqsiyaad kale oo danaha dowlado badan ka fulinaya Soomaaliya.

FADLAN ARAGTIDAADA HALKAN KA DHIIBO

RA'YIGA DADWEYNAHA