Wasiirada Xukuumada Kheyre oo Cabsi soo wajahday & Isbedel ku dhacaya Xilalkooda

Filed under: WARARKA MAANTA |

Xog gaara  ayaa sheegaysa in sanadka cusub isku shaandheyn uu sameyn doono Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Isku shaandheyntan ayaa saameyn xoogan ku yeelan doonta wasiirada qaar oo xilalkooda weyn kara halka kuwa kale wasaarado aysan dooneyn la rabo in la geeyo.

Sir gaara ayaa sheegeysa in kulan xasaasi ah uu xafiiska Ra’iisul wasaaraha ku dhex maray isaga iyo Wasiirka Dhalinyarada iyo ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye.

Kulankan qarsoodida ah ayay ku calaacashay Khadiijo in xilkeeda loo daayo, hadii aysan aheyn in loo wareejiyo wasaarada haweenka.

Khadiijo Maxamed Diriiye ayaa waxyaabo badan qabatay in ay heyso xilka wasaaradaan waxay ka murgootay Mashruucyo badan oo gabo gabo u maraya in xilkeeda ay weyso.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa niyada u dajiyay Khadiijo waxaana uu u sheegay in saameyn culus aysan yeelan doonin isku shaandheynta

header

Haddaba isku shaandheyntan ayaa walwal xoog leh ku heysa wasiiro dhowr ah oo la wada filayo inay kulamo qarsoodi ah la yeelan doonaan Kheyre si seeftiisa ay kaga badbaadaan.

FADLAN ARAGTIDAADA HALKAN KA DHIIBO

RA'YIGA DADWEYNAHA