Maxaa kala soctaa ajendaha kulanka Xildhibaanada ee maanta la filaayo inuu dhaco

Filed under: WARARKA MAANTA |

)-Baarlamaanka Somalia ayaa maanta oo sabti ah lagu wadaa inay isugu yimaadan mid kamid ah kulamadooda caadiga ah.

Kulanka Xildhibaanada ayaa Ajendihiisa maanta lagu sheegay cod u qaadista ansixinta Hindise Sharciyeedka Biyaha kaas oo maray dhammaan akhriskii loogu talagay.

Sharcigan oo isbadal ku sameeyeen guddiga u qaabilsanaa golaha shacabka, waxaa isbadal lagu sameeyay qodobo badan oo ku jiray sida heerka tayada biyaha.

Xubnaha kheyraadka qaranka, guddiga qaranka ee kheyraadka biyaha, mas’uuliyadda iyo waajibaadka wasaaradda, khimada biyaha, heerka tayada biyaha iyo qodobo kale.

Dhinaca kale, Aqalka hoose waxaa kalfadhigan la keenay ku dhawaad 20 sharci, kuwaas oo sida la sheegay ay tahay in meel-mariyaan kalfadhigan iyo midka xiga.

FADLAN ARAGTIDAADA HALKAN KA DHIIBO

RA'YIGA DADWEYNAHA