Weerar qorsheysan oo uu dhiig ku daatay oo lagu qaaday qasriga boqortooyada Sacuudiga

Filed under: WARARKA MAANTA |

Sida ay baahiyeen qaar kamid ah warbaahinta carabta waxaa la fashiliyay weerar qorsheysnaa oo lagu qaaday qasriga boqortooyadda Sacuudiga ee ku yaala maagalada Jida ee dalka Sacuudiga.

Weerarka ayaa la sheegay inay fashiliyeen ciidamada amaanka ee ka howlgala xeendaabka qasriga, kadib markii laga shakiyay kooxaha falkaasi fulinaayay.

header

Warbaahinta qaar ayaa sheegay inuu dhacay weerarka balse ay ciidamadu ku guuleysteen inay ka hortagaan weerarka ka hor inta uusan ku faafin dhammaan qasriga.

Weerarka ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhintay hal ruux oo loo malaynayo inuu ka tirsanaa kooxda weerarka qaaday iyo laba askari oo kamid ahaa ilaalada qasriga.

Dhinaca kale, Qasriga la weeraray ayaa u dhow xeebta magaalada Jida waxaana heegan la galiyay ciidamada amaanka iyadoo laga cabsi qabo in weeraro kale dhacaan.

FADLAN ARAGTIDAADA HALKAN KA DHIIBO

RA'YIGA DADWEYNAHA