Sidii Somaliya usaameeyey Khilaafkii Khaliijka & Hagardaamada Imaaraatka …….

Filed under: WARARKA MAANTA,XULKA WARARKA |

Murankii ka dhashay moowqifka dowladda federaalka ay ka qaadatay khilaafka dowladaha khaliijka iyo kan ay ka qaateen dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa cirka isku sii shareeraya, markastana waxaa kasoo kordhaya wax cusub oo arrimaha sii murjinaya.

Markii hore arrinta waxa ay ku ekeyd kala aragti duwanaan oo kaliya, balse hadda waxa ay u egtahay in uu u tilaabay khilaaf rasmi ah oo ragaadinaya laamaha dowladeed ee Soomaaliya oo markii hore ku jiray xaalad dib usoo kabasho.

Inkasta oo laga yaabo in markii horeba xiriirka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada qaar uu ahaa mid ul booc ah ku kutubayay, haddana murankan ka dhashay arrimaha khaliijka ayaa u muuqda in uu wax wayn u dhimayo rajo kasta oo laga qabay in xaaladda soo hagaagto.

Galmudug oo gilgilanaysa
Maamul goboleedka Galmudug ayaa noqday midka saamaynta ugu xun uu murankan ku yeeshay kadib markii madaxdii sarsare ee maamulkaasi ay ku kala qaybsameen moowqifka khaliijka.

Madaxweyne Axmed Ducaale Gelle, Xaaf, ayaa taageeray go’aanka xulufadaha Sucuudiga, halka madaxweyne ku xigeenka Maxamed Xaashi Cabdi “Carabeey” iyo goddoomiyaha baarlamaanka Cali Gacal Casir ay taageereen go’aanka dowladda federaalka iyaga oo cuskaday qodobka 54-aad ee dowladda dhexe siinaya awoodda ay go’aan uga gaari lahayd siyaasadda arrimaha dibadda.

Hase yeeshee waxa ay xaaladda cirka isku sii shareertay kadib markii madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf uu sheegay in dowladda federaalka ay diyaaradii uu la socday “ku xayirtay magaalada Hargaysa”.

Xaaf ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay in ay faragalin qaawan ku hayso maamulka Galmudug, wuxuuna yiri “Waxaan reer Galmudug iyo ummadda Soomaaliyeed iyo dowlad goboleedyada iyo dowladaha caalamka iyo UN-ka ogeysiinayaa arrinta faragelinta ah ee dowladda federaalka nagu hayso in ay tahay dhabar jab reer Galmudug ka dhan ah”.

Xaaf markii uu garoonka Cadaado kasoo dagayay waxaa loosoo dhaweeyay si aanan horay loo arag, waxaana hareertiisa ka muuqday guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug oo ahaa ninkii shir guddoomiyay kullankii baarlamaanka ee xilka looga qaaday madaxweynihii hore Cabdikariim Xuseen Guuleed.

Banaanbaxyo waaweyn oo lagu taageerayo go’aanka madaxweyne Xaaf ayaa lagu qabtay meelo ka mid ah Galmudug, loogana soo horjeedo moowqifka dhexdhexaadnimada ee dowladda dhexe.

Waxaa jiray shirar is daba joog ah oo ay yeelanayeen golaha wasiirada Galmudug oo la doonayo in lagu xaliyo khilaafka ka dhaxeeya hoggaanka maamulka sida uu warbaahinta u sheegay wasiirka warfaafinta Galmudug Maxamuud Aadan Cusmaan Masagawaa.

Mooshinka Imaaraatka
Qormadan tii ka horeysay ee ay BBC-da ka qortay arrintan ayaa waxa ay ku sheegnay in ay jirto saansaan ah in muranka laga yaabo in uu u talaabo baarlamaanka,

Arrintaas ayaa hadda si rami ah u dhacday kadib markii xildhibaano ay mooshin ka gudbiyeen Safiirka imaaraatka carabta ee Soomaaliya u jooga, oo ay ku eedeeyeen in uu farogalinayo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Xildhibaanada mooshinka gudbiyay waxay safiirka UAE ku eedeeyeen inuu dawladda u gacan dhaafayo arrimaha maamul goboleedyada.

Xildhibaanadan ayaa sidoo kale ka dalbaday dawladda Isutaga Imaaraadka Carabta in ay ixtiraamto madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ah kuwa mooshinka gudbiyay ayaa sheegay: “waxaan diidannahay falal aanu u aragnay in ay dastuurka ka soo horjeedaan”.

“Falalka uu ku dhaqmo safiirka Imaaraatka ee dalka ayaa ka soo horjeednaa. Ma ogin in dowladdiisu ku ogtahay iyo inkale. Waxaanu doonaynaa in xiriirka la hagaajiyo”, ayuu yiri xildhibaan Zakariye.

Mooshinka xildhibaanada ayaa ka dambeeyay kadib markii qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka ay sheegeen in dowladda ay qaadato go’aan ay ku taageereyso isbeheysiga Sucuudiga ee go’doominta ku haya dalka Qadar.

”Waxaan ku wada jirnaa isku urur, midka Jaamacadda Carabtan, kan Islaamkan, iyo midka Qaramada Midoobey baan ku wada jirnaa. Marka waa in ay noola dhaqanto qaab dowladeed, ee aysan noola dhaqmin sida qabaa’il iska firirsan oo aan dowlad dhexe lahayn”, ayuu yiri xildhibaan Zakariye oo BBC-da la hadlay.

Dowladda Imaaraatka Carabta ayaa la sheegaa in Soomaaliya ay saldhigyo ku leedahay iyo in maamul goboleedyada Soomaaliya u gacan dhaafeyso dowladda dhexe, sida ay xildhinaabada Soomaaliya ku eedeeyeen.

”Saldhigyo aynaan ogeyn iyo ciidamo ay iska qortaan oo aynaan ogayn iyo shacabka oo ay toos ula xiriirto ayaan ku eedeyneynaa”, ayaa lagu qoray mooshinka baarlamaanka loo gudbiyay.

Mooshinka kuma saabsana Imaaraatka oo kaliya, ee sidoo kale waxa uu xusayaa dowladdo kale oo la sheegay in ay iyaguna farogalin ku hayaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya, wuxuuna mooshinka ku baaqayaa in loola dhaqmo si la mid ah Imaaraatka. Hase yeeshee lama xusin dowladahaas kale.

Waxaa xusid mudan in mooshinka ay hormuud ka yihiin xildhibaano horey dowladda ugu eedeeyey in ay Itoobiya ku wareejisay muwaadin Soomaaliyeed, arrintaas oo markii dambe loo saaray guddi soo baara.

Qoraalka mooshinka ayaa lagu soo gabogabeeyay jumladdan “Mudane Guddoomiye iyo xildhibaanada sharafta leh, wax badan ayaan u dulqaadanay meel-ka dhacyada iyo gabood-falada dadka iyo dawladnimada Soomaaliyeed ay ku hayaan dawladaha shisheeyuhu, ayadoo maantay ay na hortaallo fursad aan wax uga qaban karno, waajibaadkeena qaran aan ku gudan karno, Alle iyo umadda hortooda”.

Gogosha Kismaayo
Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo shalay ka hadlay magaalada Kismaayo ayaa nasiib darro ku tilmaamay isqabqabsiga dalka ka jira.

Waxa uu ku baaqay in uu Kismaayo ku fidinayo gogol la’isugu keenayo madaxda dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada si loo turxaan bixiyo madmadoowga soo baxay.

Madaxweyne Axmed Madoobe wuxuu ka mid yahay labada hogaamiye ee aan ka hadlin moowqifkooda ku aadan khilaafka Khaliijka iyo go’aanka dhowladda dhexe.

”Khilaafka ma lahan hormar, waxaana loo baahanyahay in Soomaalida ay is ixtiraamto, ama heer federaal ha noqoto ama heer maamul goboleed ha noqoto, qadarin iyo wadatashi ayaa lagu gaari karaa horumar” ayuu yiri Axmed Maxamed Islaam oo farta ku fiiqay in loo baahanyahay in dastuurka la soxo haddii ay jiraan qodobo aan kala caddayn.

”Waxaan rabnaa in aan magaalada Kismaayo dhigno gogol, taas oo ay marka hore isugu imanayaan madaxda maamul goboleedyada, oo aan ka wada hadalno, muxuu yahay doorka aan leenahay, ka wada hadalno siyaasadda arrimaha dibada yaa xaq u leh, maxaan anaga xaq u leenahay, kadibna aan madaxda dowladda dhexe la fariisanno oo aan wax isla meel dhigno” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Wuxuu sheegay in qodobada 54-aad iyo 53-aad ee dastuurka Soomaaliya in ay iska hor imaanayaan.

Dowladda Dhexe iyo Dowlad Goboleedyada
Isfaham darada mararka qaar soo kala dhexgasha dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada waa mid aad u qoto dheer oo soo jiitamayay muddo dheer.

Marar badan oo hore maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay in xiriirka ay u jartay dowladda dhexe.

Markii ugu dambeysay ee Puntland ay go’aan mid kaa la mid ah qaadatana waxa ay ahayd 31-dii bishii Luuliyo, 2014-kii, xilligaas oo uu khilaaf soo kala dhexgalay madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud iyo maamulka Puntland. Murankaas oo markii dambe xal laga gaaray.

Madaxweynihii dhawaanta xilka laga qaaday ee Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo wali ku adkaysanaya in uu yahay madaxweyne ayaa hoggaanka dowladda federaalka ku eedeeyay in ay ka dambeeyeen in isaga xilka laga qaado.

26-dii May ee sanadkan 2017-ka, maamul goboleedka Jubbaland ayaa dowladda federaalka ku eedeysay heshiis xagga badda ah oo shirkado kalluumeysi lagu siiyay shatiyo.

Bishii June maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa sidoo kale kasoo horjeedstay xeerka isgaarsiinta qaranka oo golaha wasiirada meelmariyeen, waxayna maamulada sheegeen in dowladda federaalka ay hareermartay waxyaabihii horey looga heshiiyay ee xeerkan ku saabsanaa oo dhan.

”Sida ku cad Distuurka Federaalka ah qodobkiisa 54-Aad Awoowdaha dowladda Federaalka ah waa: difaaca Qaranka, Jinsiyadda, Xiriirka dibadda, wixii intaa ka soo hara sida Dastuurka Federaalka ahba uu qeexayo, way u madax bannaanyihiin dowlad goboleedyadu in ay aayahooda ka tashadaan, Xeerkaana waa mid loo baahnaa in Puntland lagu war-galiyo” ayuu yiri Wasiiru dowlaha wasaaradda Warfaafinta iyo Isgaarsiinta Puntland Cabdifitaax Nuur Axmed (Ashkir) oo Bishii June ee sanadkan warbaahinta kula hadlay Garowe.

Sida muuqata, maamul goboleedyadana ku doodayaan, isfaham darada ugu badan waxa ay salka ku haysaa dastuurka oo ay sheegayaan in uusan kala qeexeyn awoodaha.

Waxaase xaalka uga sii daraya in aysan jirin meel lagu kala boxo, sida maxkamad dastuuri ah oo aanan wali dhisnayn, taas oo go’aan ka gaari lahayd arrimaha ceynkan oo kale ah oo la’isku qabsado.

Hadaba, halkuu ku dhammaan doonaa khilaafka soo kala dhex galay maamul goboleedyada iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya?

W/Q: Cabdinaasir Saxansoxo

header

BBC Somali, Nairobi

FADLAN ARAGTIDAADA HALKAN KA DHIIBO

RA'YIGA DADWEYNAHA