DAAWO| Musharax C/naasir Xaaji Shirwac oo Khudbad Cajiib ah ka jeediyey Shirka………..

Filed under: WARARKA MAANTA,XULKA WARARKA |

Musharaxiintii ugu dambeysay ee doorashada Hirshabeelle ayaa maanta khudbadahooda ka jeediyay xarunta Baarlamaanka Hirshabelle ee magaalada Jowhar.

Musharaxiintii maanta khudbadahooda jeediyay ayaa waxaa kamid ahaa Daahir Cabdulle Cawaale,C/maan Xasan Caddow,Yuusuf Axmed Hagar,Maxamed Caruush Diirow iyo C/naasir Maxamed Shirwac.

Dhammaan musharaxiintan ayaa waxaa ay isaga mid ahaayeen in ay ballanqaadyo sameeyeen marka laga reebo musharax Yuusuf Axmed Hagar oo hore u soo noqday guddoomiyaha gobolka Hiiraan kaasoo sheegay inuusan wax been ah ku ballanqaadeyn balse ka codsaday xildhibaanada in ay codkooda siiyaan.

Guud ahaan musharaxiinta u taagan doorashada Hirshabelle ayaa waxaa soo dhamaaday khudbadahooda iyadoo magaalada Jowhar ay haatan ka bilaabatay ololohii ugu xoogga badnaa ee ay wadaan musharaxiinta.

Musharixiintan ayaa ah kuwa ka badan kuwii sanadkii aynu ka soo gudubnay oo saddex musharax oo kaliya ay isku soo sharaxeen balse kama dambayntii ay labo musharax ku tartameen.

Ilaa Siddeed musharax ayaa u taagan qabashada xilka madaxweynaha Hirshabeelle oo dhici doonta 16ka bishan September oo ku beegan Sabtida soo socota.

Ammaanka magaalada Jowhar gaar ahaan xarunta doorashada ayaa aad loo adkeeyay, si uusan u dhicin falal ka baxsan amniga inta lagu guda jiro arrimaha doorashada madaxweynaha Hirshabeelle.  hirshabelle-4-768x512 hirshabelle-4-1024x683 hirshabelle-7-1024x683 hirshabelle-8-1024x683 hirshabelle-10-1024x683 hirshabelle-11-1024x683 hirshabelle-13-1024x683 hirshabelle-16-1024x683 hirshabelle-18-1024x683 IMG_4907-200x112

FADLAN ARAGTIDAADA HALKAN KA DHIIBO

RA'YIGA DADWEYNAHA