DAAWO+VIDEO Asensio Oo Is Baray Barca, CR7 Oo Gool Qurux badan ka dhaliyay Barca Qatayne Kaar Gaduudan Iyo Barca Lagu Soo Dubtay Gurigeeda !!!!!!!!!!

Waxaa soo gaban gabowday ciyaartii udhaxeysay naadiyada Barcelona iyo Real Madrid, ee ka tirsaneed Koobka Supercop-ka, dalka Spain, islamarkaana ahaa Lugta kowoaad ee Koobkaan.

Kulankaan ayaa wuxuu ka dhacayay garoonka camaaliqadda dalka Spain ee Barcelona, iyadoon Bluagrana lagu soo daaray 3-1, waxaana goolka furitaanka uu iska dhaliyay Daafaca Barcelona ee Gerrad Pique.

Balse Messi ayaa bareejeeyay ciyaarta, waaase mar kale hogaanka udhiibay Los Blancos Ronaldo, oo bedal ku yimid, isagoona kol dambe Kaarka Casaanka loo taagay ka dib markii uu laba qalad sameeyay.

Barca ayaa waxaa u seddaxeeyay ciyaaryahanka ay dooneyso ee Asensio, kaasoo ciyaarta soo bagan beeyay, wuxuuna ka dhaliya gool aad uqurux badan, xilli ay daqiiqadduna aheyd 90.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay kusoo dhamaatay 3-1, iyadoona uu harsan yahay kulan kale, oo ka dhici doono Garoonka Los Blancos, ee Madrid ku yaala, halkaasi ayaan natiijadda ugu dambeysa lagu go’aamin doonaan.

W/Q/DAAHIR DHUUX YARE

FADLAN ARAGTIDAADA HALKAN KA DHIIBO

RA'YIGA DADWEYNAHA