Kooxda AlShabaab ayaa dagaal gaadmo ah ku qaaday fariisimo ay ciidamada dowladda ……

Filed under: WARARKA MAANTA |

Mid kamid ah dagaaladii ugu xooganaa ayaa xalay ka dhacay degmadda Qoryooley iyo deegaanka No.50 ee gobolka Sh.Hoose.

Kooxda AlShabaab ayaa dagaal gaadmo ah ku qaaday fariisimo ay ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ku lahaayeen degmada Qoryooley halkaas oo ay muddo saacado ah la wareegeen.

Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaas, hadana warar aan helnay ayaa sheegaya in Kooxda SHABAAB askar badan looga dilay dagaalka, halka ciidamada DFS iyo Amisom ay sidoo kale askar badan ku waayeen.

header

Taliye ku xigeenka ciidamada boolisa DFS ee Sh.hoose  Cabdi Ibraahim Shaawi ayaa xaqiijiyay in dagaalkaas uu ahaa mid xoogan, laakiin haatan xaaladu degan tahay oo ay ka adkaadeen Shabaabkii soo weeraray.

Dhanka kale, deegaanka No.50 Kooxda Shabaab ayaa weerar labo dhinac ah kusoo qaaday, waxaana halkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac aad uxoogan.

Weeraradaan ayaa kusoo aadaya xili Diyaarado dagaal ay dhanka kale duqeyn ugeysteen saldhig ay Kooxda Shabaab ku lahaayeen deegaan ku dhow magaaladda Garbahaareey ee xarunta gobolka Gedo.

Duqeyntaas ayaana la aamisan yahay in lala helay saraakiil iyo ciidamo Shabaab ah oo halkaas ka waday abaabulo dagaal oo ka dhan ah Garbahaareey.

FADLAN ARAGTIDAADA HALKAN KA DHIIBO

RA'YIGA DADWEYNAHA