Kenya oo soo bandhigtay macluumaadka Kenyaan ay si fool-xun u dileen Shabaab (Muxuu ahaa)

Filed under: WARARKA MAANTA |

Sida ay baahiyeen Wargeysyada kasoo baxa magaalada Nairobi maleeshiyaadka Shabaab ayaa khaarijiyay muwaadin kasoo jeeda dalka Kenya balse qeyb ka ahaa maleeshiyaadka ka garab dagaalanta.

Wargeysyada oo xiganaaya Saraakiil ka tirsan dowlada Kenya ayaa sheegay in ninka la dilay lagu magacaabi jiray Mustafa Hassan Mohamed isla markaana Shabaab ku biiray sanadii 2015.

Dilka Mustafa Hassan Mohamed ayaa soo degdegay kadib markii uu Horjoogayaasha Shabaab ka hor cadeeyay inay khalad tahay in weeraro laga geysto gudaha Kenya laguna xasuuqo Carruur, Haween iyo barimageyto aan waxba galabsan.

Mustafa Hassan Mohamed, waxa uu maleeshiyada u cadeeyay in mowqifkiisa ku aadan ku biirida Shabaab uusan qeyb ka aheyn in loo adeegsado burburinta dalka iyo dadkiisa Kenyaanka ah.

Waxa uu is hortaagay weerarada laga fuliyo goobaha ay ku sugan yihiin dadka shacabka ah, waxa uuna dhexdooda ka Iclaamiyay inaanu diintu qabin in la xasuuqo Carruur iyo Haween aan waxba galabsan.

Shabaab ayuu ka hor sheegay in Qaraxyada iyo dilalka ka dhaca Magaalooyinka Gaarisa iyo Mandeera ay yihiin kuwo aan loo marin sharciga.

Dilka Mustafa Hassan Mohamed, ayay dowlada Kenya sheegtay inuu dhacay todobaadkii lasoo dhaafay xili uu ahaa mid u xiran Shabaabka.

Dilka Mustafa Hassan Mohamed, ayaa kusoo beegmaaya xili maleeshiyada Shabaab ay dileen dhowr Kenyan ah kuwaa oo lagu eedeeyay inay khilaafeen Xeerka Kooxda.

FADLAN ARAGTIDAADA HALKAN KA DHIIBO

RA'YIGA DADWEYNAHA