Taliyaha booliska oo bilaabay howlo aan looga baran oo uu ku badbaadinayo xilkiisa

Filed under: WARARKA MAANTA |

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliyeed Gen. Cabdixakiin Daahir Saciid ”Saacid”, ayaa bilaabay howlo cusub oo uu ku ilaalsanaayo shaqada uu u hayo dowlada Federaalka.

Taliyaha oo maalmahaani la hadlayo in lagu sameynaayo xil ka qaadis isla markaana lagu bedeli doono Taliyihii hore ee NISA Jeneral Bashiir Goobe, ayaa iminka bilaabay in magaalada Muqdisho uu ka uruuriyo dadka aan caafimaadka qabin.

Taliyaha ayaa uruurinta dadka madaxa loogu jiro u xilsaaray Gaadiid iyo ciidamo gaara oo isku howla qabashadooda.

Ciidamada oo fulinaaya amarka Taliyaha Booliska ayaa dadkaasi madaxa loogu jira ku uruurinaaya Xarumo gaara, si looga nasiyo duruufaha ku heysta waddooyinka muqdisho oo ay ku noolyihiin.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliyeed Gen. Cabdixakiin Daahir Saciid ”Saacid”, ayaa qeyb ka ah howlgalka lagu uruurinaaya dadka madaxa loogu jiro.

Howlgalka oo ah mid ku cusub magaalada Muqdisho ayaa waxaa la sheegay in Taliyaha Booliska uu ula gol leeyahay badbaadsiga kursigiisa muranka ku jira.

Si kastaba ha ahaatee, saadaasha ugu badan ayaa ah in Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaliyeed loo magacaabi doono Bashiir Goobe

FADLAN ARAGTIDAADA HALKAN KA DHIIBO

RA'YIGA DADWEYNAHA