Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ayaa markii ugu horeysay ka hadshay

Filed under: WARARKA MAANTA,XULKA WARARKA |

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka ayaa markii ugu horeysay ka hadshay macalimiin maalmo un ka hor lagu xiray magaalada Jowhar.

Taliyaha NISA ee Gobolka Shabellaha Dhexe, C/qaadir Cabdulle Xaayow, oo ka hadlaayay xariga Macalimiinta ayaa sheegay inuu la xiriiro kulan ay la qaaten Shabaabka Gobolka Shabellaha Dhexe.

C/qaadir Cabdulle Xaayow, waxa uu sheegay in Macalimiinta ay Shabaab kala hadleen sidii loo bedeli lahaa manhajka waxbarashada Gobolka, isla markaana loogu bedeli lahaa manhaj kale oo ay qortay Shabaab.

C/qaadir Cabdulle Xaayow, waxa uu sheegay in baaritaano adag ay ku hayaan Macalimiinta Shabaabka kula heshiiyay bedelida Manhajka.

header

Waxa uu Taliyaha intaa raaciyay inaanu dhici doonin in Gobolka Shabellaha Dhexe laga dhigo Manhaj ay dhoodhoobtay Shabaab, waxa uuna ballan ku qaaday in Iskuulkii lagu arkaa manhajkasi gabi ahaantii albaabada leysugu dhufan doono.

Waxa uu sidoo kale, sheegay inay ka hortagayaan qorshaha Shabaab ay doonayaan inay Gobolka ka sameeyaan, gaar ahaan deeganada ciidamada dowladda ay joogaan.

Sidoo kale, tirada Macalimiinta xiran ayaa waxa ay gaarayaan illaa todobo Macalimiin, kuwaasi oo ku xiran Magaalada Jowhar.

Dhinaca kale, kulanka Macalimiinta iyo Shabaabka dhexmaray ayaa wuxuu ka dhacay deegaanka Gamboole oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe, Jowharna u jirta ugu yaraan 40-KM.

FADLAN ARAGTIDAADA HALKAN KA DHIIBO

RA'YIGA DADWEYNAHA