Xildhibaanadii Horu-socod oo Taageero ka raadiyay Itoobiya & Jawaab lama filaan ah oo…

Filed under: WARARKA MAANTA,XULKA WARARKA |

Wararka naga soo gaaraya magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in Xildhibaanada sameystay Madasha Horusocod ay bilaabeen iney taageero ka raadsadaan wadamada deriska.

Gudi xildhibaano ah oo uu hogaaminayo gudoomiyaha Xildhibaanadaas C/Rashiid Xidig ayaa kulamo la qaatay masuuliyiin ka tirsan Kenya iyo Itoobiya.

Gudigaas ayaa booqday safaarada Itoobiya ee magaaladda Nairobi si ay halkaas ugula kulmaan saraakiisha Itoobiya oo ay taageero ka raadsadaan.

Laakiin Warara la helayo ayaa sheegaya in safaarada Itoobiya ee Nairobi ay gabi ahaanba diiday iney xildhibaanadan ku garab siiso iney kala shaqeeyaan arimaha looga soo horjeedo madaxweynaha Soomaaliya.

“Waxaa ay la kulmeen Safiirka Itoobiya iyo saraakiil kale oo  socotay wasaaradaha dalkaas, waxaa ay ka dalbadeen iney ku taageeraan mowqifkooda, laakiin xubnihii ay la kulmeen waa ay ka cudur daarteed arimahaas”sidaas waxaa laga soo xigtay ilo wareedyo ka agdhow xildhibaanada.

Sidoo kale Saraakiisha Itoobiyaanka ah ayaa usheegay Xildhibaanadii Horusocod ineysan dooneyn iney fara gashtaan arimaha Soomaaliya taasna ay tahay heshiis ay gaareen madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya kuwaas oo kulan ku yeeshay Adis Ababa.

Warar horey loo helay ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay dhankeeda ogolaatay in xildhibaanadan ay shirar ku yeelan karaan Nairobi, laakiin aysan garab ku siin doonin in la raadiyo dowladda Soomaaliya

FADLAN ARAGTIDAADA HALKAN KA DHIIBO

RA'YIGA DADWEYNAHA