XOG CUSUB: Yuusuf Garaad oo la cunaqabateeyay & Waxyaabihii uu kala kulmay Farmaajo & Kheyre

Wasiirka arimaha dibadda Xukumadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa cadaadis xoogan kala kulmaya Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo.

Cadaadiskan oo sii xoogeysanaya ayaa sababay in Wasiirka uu gudan waayo shaqadii ay aheyd inuu qabto ee uu ku magacownaa.

Shaqooyinka laga hor istaagay

Wasiir Yuusuf Garaad ayaa si lama filaan ah loogala wareegay shaqadii qaban qaabada Shirkii London oo ay aheyd inuu hogaamiyo.

Sidoo kale, madaxweynaha DFS ayaa 7 safar dibadda ku aaday halka Wasiir Yuusuf Garaad uu kaliya labo mar dalka ka baxay iyadoo ay aheyd inuu noqdo wasiirka ama masuulka ugu safarka badan maadaama uu Soomaaliya aduunka uqaabilsan yahay.

Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa socdaalkisii dalka Qatar usheegay Yuusuf Garaad inuusan raaci doonin isagoo badalkiisii watay Ku xigeenkiisa.

Sidoo kale wasiirka qorsheynta Amb Jamaal ayaa wafuud caalami ah gaar ahaan midowga Yurub ah kula kulmay Muqdisho taas oo muujineysa in shaqadii Yuusuf Garaad uu wasiir kale qabanayo.

SABABTA ay Madaxda DFS Cadaadiska usaareen Yuusuf Garaad

header

Tan iyo markii ay golaha wasiirada xilka ka qaadeen Hanti-dhowrihii qaranka Dr Nuur Faarax Isla markaana uu Yuusuf Garaad dalbaday in arintaas laga fiirsado ayay bilaabatay in cadaadiska la saaro.

Sidoo kale, Yuusuf Garaad ayay madaxda DFS ku eedeeyeen inuu xakameyn waayay beesha uu kasoo jeedo taas oo iyagoo hubeysan soo galay madaxtooyada isla markaana xabsi gurigii kala soo baxay hanti-dhowrihii qaranka.

Madaxda dowladda ayaa dhanka kale Yuusuf Garaad wax ka weydiiyay in Kaamirooyinka ay qabteen isagoo aan si aan wanaagsaneyn ula hadlaya Saxaafada xili uu madaxweyne Farmaajo ka dhoofayay Muqdisho halka sidoo kale laga fidiyay inuu garoonka diyaaradaha ka qaadanayay Laaluush sida ku cad muuqaalo ay kaamirooyinka qabteen.

Maxaa Socda?

Wararka haatan la helayo ayaa sheegaya in madaxweyne Farmaajo uu kulan dheer kadib u ogolaaday Yuusuf Garaad inuu shaqadiisa wato, laakiin waxaa looga digay inuu sameeyo falal lidi ku ah dowladda.

Si kastaba, Yuusuf Garaad oo Xukumadda Soomaaliya umatala beesha Habar Gidir ayaa cadaadis xoogan ka wajahaya dhana beeshiisa oo ku andacooneysa in xaquuqdii ay kalahaayeen dowladda ay waayeen.

FADLAN ARAGTIDAADA HALKAN KA DHIIBO

RA'YIGA DADWEYNAHA

ISHA KU HAY SHABAKADEENA MUQDISHO TV

NAGALA SOO XIRIIR :- EMAIL:- MUQDISHOTV1@GMAIL.COM

 

ADS

WARARKA MAANTA

BOSASO-1 Akhriso magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii isku qarxiyey Boosaaso + Sawirro
- May 24, 2017
Shalay Waxaa Magaalada Boosaaso ka dhacay qarax aad u weyn kaasoo geystay Khasaaro isugu ...
taabit Maxuu ka dhigan yahay Isbadalkii Lama Filaanka ahaa ee Gudoomiye Taabit?
- May 24, 2017
Musuq maasuqa ma ahan kaliya in lacag la xado ama wax la is daba ...
shakur C/Raxmaan C/Shakuur oo qoray Sheeko dhexmartay Amiirka Shabaab & Oday…
- May 24, 2017
Waa dood dhexmartay Amiirka Alshabaab iyo Oday Xareed oo ku saabsan sababta uu Amiirka ...
7-3 Sawirro:- Daawo Yaa ka dambeeyey Ismiidaamintii Boosaaso !
- May 24, 2017
Weerar Ismiidaamin ah ayaa waxa uu ka dhacay Bartamaha Magaalada Boosaaso, gaar ahaan bar ...
Breaking-News Rasmi:- Wadankee ayuu udhashay Ninkii Isku Qarxiyey Manchester !
- May 24, 2017
Booliska Dalka Ingiriiska ayaa waxaa uu ogaaday Magaca iyo Shaqsiyadda qofkii ka dambeeyay Weerarkii ...
Framajo-Riyad SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo si qurux badan loogu soo dhaweeyay Magaaladda Riyaad …………..
- May 21, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudiga. Wafdiga madaxweyne Farmaajo oo ka ...
farmajo-gas DHAGEYSO| Puntland oo muujisay Awoodeeda & DFS oo war cad kasoo saartay ……………
- May 21, 2017
Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn ula yaaban awooda maamul goboleedka Puntland kuwaas oo sidii ...
BR DFS oo awoodi weysay iney dhaqan geliso Amar kasoo baxay Golaha Wasiirada
- May 21, 2017
Waxaan wali magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ka hirgalin amarkii 11/05/2017 bishaan kasoo baxay ...
BREAKING WAR DEG DEG AH: Sargaal Muhiim u ahaa DF oo Warqad is casilaad ah u gudbiyay Madaxweyne Farmaajo
- May 21, 2017
Warar goor dhow aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in uu is casilay Taliye ...
IMG_669563-3B575D-0E6C66-D51CDE-A5F4D4-BF1BEB-620x330 DEG DEG: Deeqo Diraac oo ku dhax geeriyootay Xabsiga dhexe ee Xamar
- May 21, 2017
Wararka aan ka heleyno Xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in Xabsigaas ...
degdeg Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ee Maamulka Soomaaliland ayaa ……….
- May 21, 2017
Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ee Maamulka Soomaaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in ...
1412371836000-KENS-VAULT-breaking-news-blank-logo-600x630 AlShabaab oo meel fagaaro ah ku toogtay Cilmi Maxamed Sugulle ………….
- May 21, 2017
Maxkamada Ururka Al Shabaab, ayaa xukun dil ah waxa ay ku fulisay nin lagu ...
BRS Xildhibaano u gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka Mooshin Xasaasi ah
- May 21, 2017
Warar ay heshay Wakaalada Warqaad.com ayaa waxaa ay sheegayaan in 59 Xildhibaan oo ka ...
DSC_0234 Xaqiiqda tirada xildhibaanada madasha horusocod iyo 5 waxyaabood oo laga bartay!
- May 20, 2017
Waxaa dhawaan laga dhawaajiyey in ku dhawaad 100 Xildhibaan ay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ...
amisom Zambia oo ciidamo u soo dirtay Somaliya ……
- May 20, 2017
Dowladda Zambia ayaa markii ugu horeysay ku soo biirtay qaybta Booliska ee Amisom iyada ...

……………

loading...