FALANQEYN:- Xildhibaanadii dib Usocod oo Lugooyo Cusub Maleegaya……..

Dhowaan waxa Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya xildhibaano ku dhow boqol xildhibaan ay  kaga dhawaaqeen madal mucaarad ah oo ay ugu magac dareen Horu socod.

Inkastoo xildhibaanadaasi aanay shacabka soomaaliyeed usoo bandhigin ahdaafta iyo mabaadi’da ay madashan ku dhiseen, iyo danaha ay ka leeyihiin inay ku gaaraan madal noocas ah ma dan guud oo soomaaliyeed baa mise waa dano gaar ah oo dad gaar ah iyo dowlado shisheeye dab aka riixayaan? Dhamaan su’aalahasi waxay u baahan yihiin inay nooga jawaabaan xildhibaanada sharafta mudan ee madashaas yagleeley si markaas faallo togan iyo mid taban baa an uga bixino.

Ma doonayo inan ka hor dhoco oo dhaliil iyo cambaarayn kala dul dhoco iyagoo an soo bandhigin qorshohoda ama ficilo gurracan oo muuqda aan samayn laakiin si shacabka soomaaliyeed u qiimeeyo waxan u jeexi doona laba wado, mid waxan u bixiyay jidka horusocodka midna waa kan dibu socodka hadba kii ay qaadaan ayaana lagu qiimeyn doona madasha oo hada curdin ah.

SIDEE MADASHU KU NOQON KARTAA HORU SOCOD?

Madasha sida mageceeda ka muuqata hadii ay ficil keenaya hor usocod iyo horumar ka dalkaan ku darsadaan waxay noqon doonaan kuwa si rasmi ah ugu sifooba magacaas.

Madal mucaarad ah ma aha wax xun oo ay xaaran tahay in la sameeyo, xildhibaanadu waa matalayaashi shacbiga soomaaliyeed, waxa la rabaa qeyb walba oo shacabka ahi inay metelaad rasmi ah ku yeelato golaha shacabka, sida an ognahay shacabka soomaaliyeed boqolkiiba boqol ma wada noqon karaan muxaafad, sidaa si lamida na xildhibaanadu ma wada noqon karaan muxaafad,  dal walba oo dunida ahina waa lamid, golaha shacabka waxa ku wada jira qeybaha bulshada oo dhan, kuwa mucaaradka ah waa inay metelaad iyo xildhibaano codkooda ku hadla ku yeeshaan, kuwa xaafad ka ah na sidoo kale, dhalinyaradu waa inay ku yeelataa cod ku metela golaha shacabka haween kuna sidoo kale iwm.

Waxa khalad ah aragtida ay dad badani qabaan oo ah in xildhibaanadu boqolkiiba boqol taageeraan dowladda, aragtidaasi ma aha mid dimuqraadiya, dawladu hadii ay sidaas jeceshahayna ma ahan mid shacabkoo dhan dowlad u ah ee waa mid rabta inta muxaafadka ah inay dhagaysato un.

Madasha mucaaradka ah ee Nairobi lagaga dhawaaqay si ay u noqoto mid horu socod ah waxan ku boorinayaa inay qodobadaan base uga dhigaan mabaadi’dooda.

  1. Isla xisaabtan(Check And Balance):

Hadii madashu ay noqoto mid loo asaasay in lagula xisaabtamo dowladda, waliba si adag loo daba galo shaqooyinka ay hayaan xukuumada, madaxweynaha iyo maxkamaduhu, wixii khaladaad ay hesho na ku saxda barlamaanka dhexdiisa, mas’uulkii shaqo gudasha la’aan lagu eedeeyo na mooshin ka keenta iyagoo cadaymaha soo raacinaya shacabka soomaaliyeed na usoo bandhigaya markaas waxay noqonaysa madal dalkaan u horseeda horu socod iyo dimuqraadiyad

Sida ku cad Qodobka 69aad faqrada 2aad qeybta B ee dastuurka Kumeel gaarka ah oo qeexeysa awoodaha golaha shacabka waxay dhahaysaa “Golaha shacabku wuxu xaq u leeyahay U yeeridda Rai’iisul-wasaaraha, xubnaha golaha wasiirrada, Gudoomiyayaasha Guddiyada Qaranka iyo Xafiisyada Madaxa Bannaan. Mas’uul kasta oo uu u hoggansami waaya u-yeeridda, wuxuu Golaha Shacabku awood u leeyahay inuu dib-u-eegid ku sameeyo xilkiisa”

Xildhibaano gaaraya boqol xildhibaan waxay culeys wayn ku saari karaan inay dowladu qabato shaqooyinka ay shacabku u idmadeen.

2- Danta qaranka inay ka hormariyaan danta shakhsiga ah:

Madashu hadii ay noqoto mid ku dhisan inay ka shaqayso danta qaranka iyagoo mucaarad ah, gacana ka gaysato horumarka dalkaan, ficil walba oo ay samaynayaana ka dhex eegaan maxaa soomaali dan ugu jira waxay noqon doonan madal horu socod oo dhab ah taariikh duna xusi doonto.

3- Soomaalinimada in laga hormariyo qabyaalada:

Ku dhowaad rubuc qarni uu qabiilku ahaa halbeega kaliya ee an dadka qaar kusoo dhoweysano qaarna ku fogeyno, fikirkeenuna ku koobnaa mid qabiil waxaynu ka dhaxal nay inan maanta dunida ugu hooseyno, soomaaliya na noqoto meesha kaliya ee gaajo iyo haraad loo dhinto kaluun keedii na badda duq nimo ugu bakhtiyo, hadaba hadii madashu ay tusaala haas wax ka qaadato wax walbana ka hormariyaan soomaali nimada sida magacooda ka muuqata dalkan waxay ku horseedi doonan wadada saxan.

MAXAA MADASHA KA DHIGI KARAA DIBU SOCOD.

Hadii madashan curdinka ah lagu asaasay mabaadi’ an ahayn ama kasoo horjeeda kuwaas an kor ku xusay ayna caqabad ku noqoto rajadii iyo himiladii dadka soomaaliyeed ka qabeen dowladda cusub, waxay ummada soomaaliyeed kaga sunti doontaa taariikhdeeda baal madow.

  1. Dan shakhsi iyo Dan shisheeye oo wada socda:

Sida dad badani ku xamanayaan hadii madashaani tahay mid ay isugu tageen xildhibaano iyo siyaasiyiin xilal ka waayay dowladda hadda jirta ayna gadaal ka riixayaan dowlado shisheeye oo leh dano shisheeye, waxa kaliya ee ay raadinayaana tahay dan shakhsi ah dadka soomaaliyeed uma dulqaadan doonaan sidii ay erdogan dadkiisu u difaaceen ayay na u difaaci doonan dowladooda cusub ee ay hanka iyo rajada badan ka qabaan waxay na noqon doontaa madal dibu socod.

  1. Qabyaalad iyo Soomaali qaybin

Siyaasiyiinta soomaaliyeed si ay dantooda shakhsiga u helaan waxay ku owr kacsadaan qabiil iyo reer uu iska dhigo inuu danteeda ka shaqaynayo, natiijada ficilkaas ka dhalatana waxay noqotaa inuu dadkii soomaaliyeed nacayb dhexdhigto.

Hadii madashu ay mabda’aas qaataan si ay ugu helaan waxay ay shakhsi ahaan u doonayaan waxay isbaaro u dhigan doontaa horumarkii dalkaan iyo midnimadiisa.

  1. Kana siib kana saar

Sidoo kale dad badan ayaa saadaalinaya in madashu hammiga ugu wayn ee ay leedahay uu yahay sidii ay mooshin uga keeni lahayd golaha xukuumada ugana takhalusi lahayd, si xukuumada danbe ay qayb fiican uga hesho madashu.

Hadii aragtida madashu aanay qiimeyn wax qabadka qofka iyo kartidiisa ee ay danaynayaan inay ka tuuraan oo ku bedelaan qof kale oo ay isku hayb yihiin ama aragti wadaagan, waxa kaliya ay samaynayaana noqoto hebel ku bedel hebel ama kana siib kana saar marka waxan ku tilmaami karnaa madasha mid dibu socod ah oo an waxba ku biirinayn horumarka qarankaan.

Gunaanad

Xildhibaanada ku midoobay madasha waxa ku jira kuwa badan oo wadaniyiin ah dalkoodana jecel dadka soomaaliyeed na jecelyihiin inay arkaan iyaga oo ah mucaarad wax saxaya ah dowladana la xisaab tamaya waxan ugu baaqaya inay halka ay ka filayaan shacabkoodu ay kasoo dhalaalaan.

Mid midka  dowladaha shisheeye daba dhilifka u ah ee dan soomaaliyeed an wadina waxan dhihi lahaa

“Ninka dhuumanaya ee dhabarku muuqdoow dadkaaga dhinac ka raac”

W/Q: Abdullahi Nur Eid
Email: Mrabdullahi.nur@gmail.com – Qormadan waxey gaar utahay qofka ku saxiixan 

FADLAN ARAGTIDAADA HALKAN KA DHIIBO

RA'YIGA DADWEYNAHA

ISHA KU HAY SHABAKADEENA MUQDISHO TV

NAGALA SOO XIRIIR :- EMAIL:- MUQDISHOTV1@GMAIL.COM

 

ADS

WARARKA MAANTA

BOSASO-1 Akhriso magaca iyo beesha uu kasoo jeedo ninkii isku qarxiyey Boosaaso + Sawirro
- May 24, 2017
Shalay Waxaa Magaalada Boosaaso ka dhacay qarax aad u weyn kaasoo geystay Khasaaro isugu ...
taabit Maxuu ka dhigan yahay Isbadalkii Lama Filaanka ahaa ee Gudoomiye Taabit?
- May 24, 2017
Musuq maasuqa ma ahan kaliya in lacag la xado ama wax la is daba ...
shakur C/Raxmaan C/Shakuur oo qoray Sheeko dhexmartay Amiirka Shabaab & Oday…
- May 24, 2017
Waa dood dhexmartay Amiirka Alshabaab iyo Oday Xareed oo ku saabsan sababta uu Amiirka ...
7-3 Sawirro:- Daawo Yaa ka dambeeyey Ismiidaamintii Boosaaso !
- May 24, 2017
Weerar Ismiidaamin ah ayaa waxa uu ka dhacay Bartamaha Magaalada Boosaaso, gaar ahaan bar ...
Breaking-News Rasmi:- Wadankee ayuu udhashay Ninkii Isku Qarxiyey Manchester !
- May 24, 2017
Booliska Dalka Ingiriiska ayaa waxaa uu ogaaday Magaca iyo Shaqsiyadda qofkii ka dambeeyay Weerarkii ...
Framajo-Riyad SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo si qurux badan loogu soo dhaweeyay Magaaladda Riyaad …………..
- May 21, 2017
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Riyaad ee Boqortooyada Sacuudiga. Wafdiga madaxweyne Farmaajo oo ka ...
farmajo-gas DHAGEYSO| Puntland oo muujisay Awoodeeda & DFS oo war cad kasoo saartay ……………
- May 21, 2017
Dowladda Soomaaliya ayaa si weyn ula yaaban awooda maamul goboleedka Puntland kuwaas oo sidii ...
BR DFS oo awoodi weysay iney dhaqan geliso Amar kasoo baxay Golaha Wasiirada
- May 21, 2017
Waxaan wali magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia ka hirgalin amarkii 11/05/2017 bishaan kasoo baxay ...
BREAKING WAR DEG DEG AH: Sargaal Muhiim u ahaa DF oo Warqad is casilaad ah u gudbiyay Madaxweyne Farmaajo
- May 21, 2017
Warar goor dhow aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in uu is casilay Taliye ...
IMG_669563-3B575D-0E6C66-D51CDE-A5F4D4-BF1BEB-620x330 DEG DEG: Deeqo Diraac oo ku dhax geeriyootay Xabsiga dhexe ee Xamar
- May 21, 2017
Wararka aan ka heleyno Xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in Xabsigaas ...
degdeg Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ee Maamulka Soomaaliland ayaa ……….
- May 21, 2017
Wararka aan ka heleyno Magaalada Hargeysa ee Maamulka Soomaaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in ...
1412371836000-KENS-VAULT-breaking-news-blank-logo-600x630 AlShabaab oo meel fagaaro ah ku toogtay Cilmi Maxamed Sugulle ………….
- May 21, 2017
Maxkamada Ururka Al Shabaab, ayaa xukun dil ah waxa ay ku fulisay nin lagu ...
BRS Xildhibaano u gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka Mooshin Xasaasi ah
- May 21, 2017
Warar ay heshay Wakaalada Warqaad.com ayaa waxaa ay sheegayaan in 59 Xildhibaan oo ka ...
DSC_0234 Xaqiiqda tirada xildhibaanada madasha horusocod iyo 5 waxyaabood oo laga bartay!
- May 20, 2017
Waxaa dhawaan laga dhawaajiyey in ku dhawaad 100 Xildhibaan ay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ...
amisom Zambia oo ciidamo u soo dirtay Somaliya ……
- May 20, 2017
Dowladda Zambia ayaa markii ugu horeysay ku soo biirtay qaybta Booliska ee Amisom iyada ...

……………

loading...