Maxaad kala socotaa Hawadda Soomaaliya, Dhaqaalaha kasoo xarooda & Tirada diyaaradaha

Sida aan ogsoonahey, warar ay masuuliyiin UN-ta ah sheegaan inta badan ayaa waxa ay ku yidhaahdaan hawada Soomaaliya waxaa maalinkii dulmara ama isticmaasha diyaarada gaadhaya 80 maalinkii, hadaba akhristow, tiradaasi waa tiro marin habaabin ah oo la doonayo in lagu qariyo dhaqaalaha saxda ah ee ka soo xarooda hawada duulista Soomaaliya.

Hal arrin ayaa tiradaasi UN-ta burineysa ee lagu maaweeliyo masuuliyiinta Soomaaliya iyadoon wali cadeymo kale la adeegsanin:

Garoonka Aaden Cadde International ee Xamar waxaa maalinkii ku soo daga diyaarada gaadhaya 80 dayuuradood, waa hadal ay wararka ka sii daayeen masuuliyiinta garoonka Xamar sanadka markuu ahaa 2013.

Hadaba, wadanka intiisa kale imisa diyaaradood ayaa ku soo daga, ogsoonoow, wali waxeynu ka hadleynaa diyaaradaha soo daga oo kaliya ee kama hadleyno kuwa dul mara Soomaaliya ee qaaradaha kale u kala goosha.

Hadeynu dib u milicsano diyaaradaha ku soo daga garoonka Cigaal ee Hargeysa waxaa qiyaastii maalinkii soo dagta 39 diyaaradood, weyna ka badantahey tiradan. Labada tusaale ee Xamar iyo Hargeysa ayaa naga kaafinaya iney burburinayaan hadalkii masuuliyiinta Soomaaliya iyo UN-ta ee ahaa 80 diyaaradood ayaa Soomaaliya hawadeeda isticmaasha, wadanka intiisa kale cadadka diyaaradeed ee ku soo daga waa ay fara badanyihiin lamina shaacin.

Aanu u soo jaleecno tirada diyaaradaha ee isticmaasha hawada Soomaaliya, waxaan u kala qaadeenaa laba:

1)  Tirada diyaaradeed ee soo caga dhigta Soomalaiya (commercial terminal)

2) Tirada diyaaradeed ee dul mara hawada Soomaaliya (fly-over)

Tan koobaad, diyaaradaha soo caga dhigta garoomada Soomaaliya oo dhan ku yaala waa tiro cadadkeedu yahey 182 diyaaradood.

Tan labaad, diyaaradaha dul mara hawada Soomaaliya, feejignoow, hawada Soomaaliya marka laga hadlayo kaliya ma ahan in laga wado dhulka barriga ah ee Soomaaliya, ee hadalku waxaa weeyaan wixii dul mara badda Soomaaliya, waana hawada Soomaaliya aan ku oolin dhulka (controlled airspace of Somalia), masuuliyiinta Soomaaliya waligood ma aysan soo hadal qaadin hawada badeed ee Soomaaliya leedahay!

Marka tira ahaan, diyaaradahaasi isticmaala hawada Soomaaliya ama dhul ama bad ha dul maraanee, tiradoodu waa 423 diyaaradood.

Sidee baa kharashka looga qaadaa, waa qaab noocee ah, qaabku waa qaabka ay wada isticmaalaan caalamka, qodobkan ayaana muhiim u ah:

–  In lacag qaadistu ay ku xirantahey inta daqiiqadood ama saacadood ay diyaaradu isticmaaleyso hawada ama ay ku dhax jirto hawada dalka barri ha ahaato ama bad ha ahaato

Wali waxeynu ka hadleenaa isticmaalka hawada ee kharashka diyaaradaha soo caga dhigto looga qaado qormadan ma ahan.

Aan ku soo laabano tirada guud ee isticmaasha hawada Soomaaliya:

182+423 = 605 diyaaradood ayaa isticmaasha hawada Soomaaliya bad iyo barriba marka la isku daro, kuwa dul mara iyo kuwa caga dhigta oo iyagu isticmaaley hawada, waa isku dar tiradaasi.

Tirada Lacageed ee intaasu dhantahey waa sidatan, ogsoonoow, masuuliyiinta Soomaaliyeed ayaa waxa ay sheegeen in diyaarad kasta oo isticmaasha hawada Soomaaliya, waa barriga oo kaliya, laga qaado lacag $275, waa hadalka ay yidhaahdeen iyagoon aqoon iyo khabiirnimo u laheyn in kharash qaadistu ay tahey mid ku dajisan daqiiqad iyo saacad kasta oo ay diyaaradu hawa Soomaaliyeed isticmaaleyso, kaba dhig tan daqiqad isticmaasho iyo tan saacad isticmaashaba in laga qaado $275 dollars halkii mar ay foodaba la gasho hawa Soomaaliyeed.

  1. 605 X $275 = $166,375 waa tirada dakhliga ee maalin walba ka soo xarooda hawada Soomaaliya bad iyo barriba, 605 waa diyaaradaha isticmaala hawada Soomaaliya bad iyo barriba
  2. 82 X $275 = $22,550 waa tirada dakhliga ee maalin walba ka soo xarooda hawada dhuleed ee Soomaaliya, waana tirada ay UN-ta ku maaweeliso masuuliyiinta Soomaaliya, waa tiro waxba kama jiraan ah, waa tiro marin habaabin ah, waa tiro dhac iyo khiyaano ku jirta.

Tan hore, bishii waxa ay noqoneysaa tiradaasi sidan: $166,375 X 30 = $4,991250 waa shan malyan ku dhawaad bishii, sanadkiina waa $4,991250 X 12 = $59,895,000 waa 60 malyan ku dhawaad sanadkii.

Tan labaad ee tirada ay UN-ta ku maaweeliso masuuliyiinta Soomaaliya bishii waa: $22,550 X 30 =$676,500, sanadkiina waa $676,500 X 12 = $8,118,000 waa siddeed malyan.

Tirada UN-ta ay sheegto waa mid aan wada ogsoonahey, mana dhaafto mar walba 5 malyan, 6 malyan iyo 8 malyan, waa sida ay wararka ka sheegaan mar walba.

Akhristoow, iyo qof kastoo jecel in hantida Soomaaliyeed ay Soomaaliya iyo dadkeedu leeyihiin, waxaa nala gudboon in aan ka hortagno dhaca lagu hayo hantida Soomaaliyeed dhul, bad iyo hawada, waana masuuliyad na wada saaran dhammaanteen.

WQ: Abdirsaaq Macalin

Abdipilot@gmail.com

Xaquuqda Xogtan Waxaa iska leh Qofka ku saxiixan: 

FADLAN ARAGTIDAADA HALKAN KA DHIIBO

RA'YIGA DADWEYNAHA

ISHA KU HAY SHABAKADEENA MUQDISHO TV

NAGALA SOO XIRIIR :- EMAIL:- MUQDISHOTV1@GMAIL.COM

 

ADS

WARARKA MAANTA

Riyad-Ozel-Erdogan-Sisi-Gizli-Bulusmasi-51573.riyad-Özel-erdoğan-sisi-gizli-buluşması-70634.erdogan-suud-ozel Turkiga oo jawaab kulul ka bixiyey dalab daan-daansi ah oo ka yimid xulufada Sacuudiga Ankara
- Jun 24, 2017
Dowladda Turkiga ayaa ku gacan seertay dalab ka yimid afar dal oo Carbeed oo ...
ROOB DEG DEG UDHAGEYSO| Abu Mansuur oo isku dhiibayo DFS & Dalabkii Farmaajo oo guuleystay
- Jun 24, 2017
Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay war lama filaan ah kaas oo wadaadka Mukhtaar Roobow ...
Ugand-1-640x427 SAWIRRO: Madaxweyne Farmaajo oo Kampala kula kulmay Yuweri Musevani
- Jun 24, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dhiggiisa dalka Uganda Mudane Yoweri ...
bbc-news-2008 (1) Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Stephen Schwartz ayaa sheegay in Mareykanka uu markale hawlgal
- Jun 24, 2017
Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya, Stephen Schwartz ayaa sheegay in Mareykanka uu markale hawlgal diblomaasiyeed ...
FB_IMG_1487861780501 Sacuudiga & Imaaraadka oo diyaarinaya Qorshe Lagu Xirayo Ganacsiga Soomaalida & Xawaaladdaha oo…
- Jun 24, 2017
Khilaafaka Siyaasadeed ee u dhaxeeya wadamada Khaliijka ayaa waxaa laga cabsi qabaa in uu ...
QADAAA Dhageyso| Qatar oo ka Jawaabtay Shuruudihii Sucuudiga & Xulufadiisa aykusoo Rogeen !
- Jun 24, 2017
Dalka Qatar ayaa diiday dalabkii 13-ka qodob ahaa ee ay dowladaha Carabta hordhigeen, waxaana ...
muqdisho1 Video| udoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dukaameysi weyn ka sameeyay Suuqa Bakaaraha
- Jun 24, 2017
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa dukaameysi weyn ka sameeyay Suuqa Bakaaraha xili ay dadka isku ...
news-update- Qisadii Sadexdii nin ee Allah imtaxaamay iyo natiijadii imtaxaankaas – Qisooyin uu nabi
- Jun 24, 2017
Nolasha aduunyadu waa imtaxaan. Allah (SWT) waxa uu adoomadiisa ku imtaxaanaa imtaxaano kala duwan. ...
BRS DAAWO| Ninkii isku qarxiyey Magaaladda Makka al Mukarama & Sidii eebe ubad baadiyey Xaramka
- Jun 23, 2017
DAAWO| Ninkii isku qarxiyey Magaaladda Makka al Mukarama & Sidii eebe ubad baadiyey Xaramka فيديو ...
Khadiijo-Maxamed-Diiriye Khadiijo Maxamed Diiriye Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Soomaaliya ayaa sheegtay Dowladda Federaalka
- Jun 23, 2017
Wasiirkii Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowlad Goboledka maamulka Jubbaland Maxamed Yuusuf Aw Libaax ayaa xalay ...
xxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxxx VIDEO| Argagaxiso qarxin leheyd Xaramka oo laqabtay Mid isqarxiyey Tirada waxy …….
- Jun 23, 2017
Dowladda Sacuudiga ayaa goor dhoweyd shaacisay inay hay’addaha ammaanka dalkaasi ay ka hortageen falal ...
dabu_1 DEG DEG: Mareykanka oo Liiska Argagaxisadda aduunka ka saaray Sh Roobow Abu Mansuur
- Jun 23, 2017
War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dowladda Mareykanka ay liiska argagixisada ka saartay ...
Yuusuf-Garaad Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in saldhigga Milateriga ee Turkiga ka dhisay Soomaaliya
- Jun 23, 2017
Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa sheegay in saldhigga Milateriga ee Turkiga ...
Islow Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in isbedel ku sameynayo Amniga guud
- Jun 23, 2017
Wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in isbedel ku sameynayo Amniga guud ee  magaalada ...
Farmaajo-3 Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo kamid ah madaxda
- Jun 23, 2017
Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo kamid ah madaxda ka qeybgalaysa ...

……………

loading...