Dhawaan magaaladda London waxaa heshiis aan caadi aheyn ku gaaray beesha Caalamka ……..

Filed under: WARARKA MAANTA |

Dhawaan magaaladda London waxaa heshiis aan caadi aheyn ku gaaray beesha Caalamka iyo Soomaaliya, heshiiskaas oo ah dhanka amaana.

Qorshahan ayaa loogu magac daray Qaabaynta Amniga Qaranka, waxaana saxiixay dhamaan madaxda maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe  16-kii April 2017-kii.

Si kastaba, barlamaanka Soomaaliya ayaa dib u eegis ku sameeyay qodobada ay ku heshiiyeen  madaxda Federaalka ee ah barnaamijka Qaabaynta Amniga Qaranka, waxaana qodobadii dib u eegistaas kasoo baxay loo gudbiyay xafiiska RW Kheyre.

header

Nuqulka lo gudbiyay Ra’isul Wasaare Kheyre ayay xildhibaanadu ku sheegeen qodobada ay tahay in isbadalka looga baahan yahay ayna ku talinayaan in la meel mariyo.

Laakiin, Sida ku cad heshiiska amni ee beesha caalamka iyo Soomaalida ku gaareen 11-kii  May 2017-kii, waxaa waxba kama jiraan laga soo qaaday qaraarkii golaha shacabka, oo tallooyinkii ay soo jeediyeen darbiga ayaa lagu dhuftay, tusaalaha ugu horreeya waa golaha shacabka waxaa uu ku taliyay in ciidanka xoogga ka koobnaado 4 ciidan, hadda waxa la qaatay 3 oo ah go’aankii madasha, waa hal tusaale laakin heshiiska London waxaa ku cad in talada golaha shacabka aanan la geyn London.

FADLAN ARAGTIDAADA HALKAN KA DHIIBO

RA'YIGA DADWEYNAHA