Gabar mudo 18 Sano ah baadi goobeysa Qoyskeeda & Qisadii qabsatay Markii ay luntay ……….

Filed under: WARARKA MAANTA |

Farxiyo Maxamed oo ah gabar dhalinyaro ah ayaa magaaladda Muqdisho ka baadi goobeysa qoyskii ay ka dhalatay oo ay kasoo luntay mudo haatan laga joogo ku dhawaad 18 sano.

Gabadhan ayaa qoyskeeda ka dhuntay sanadkii 2000-dii, waxaana markaas gacanta ku dhigay qoys kale oo markii ay waalidiintood ku waayeen soo koriyay.

“Waan yaraa mana xasuusto qoyskeyga, laakiin hooyadey Waxaa la dhahaa Xaliimo, Aabaheyna Maxamed, waxaan umaleynayaa halkii aan daganaa iney KPP aheyd”ayay tiri gabadha Farxiyo.

Gabadhan waxaa soo koriyay Cawrale Xuseen Gaab, oo markii ay geeriyootay hadana kuna wareejisay Khadiijo Cali Iley.

Haatan Farxiuyo Maxamed oo baadi goobeysa qoyskeeda ayaa haysata hal canug inkastoo ay kala tageen aabihii dhalay canugaas sedex sano jirka ah.

 

header

Waxaa ay dalbatay in lagu raadiyo qoyskeeda si ay ula midowdo taasna ay tahay farxada kaliya ee nolosheeda ka harsan.

FADLAN ARAGTIDAADA HALKAN KA DHIIBO

RA'YIGA DADWEYNAHA