Dowladda Soomaaliya ayaa dhaqaalo aan caadi aheyn ka heli doonta wadamada ……..

Filed under: WARARKA MAANTA |

Dowladda Soomaaliya ayaa dhaqaalo aan caadi aheyn ka heli doonta wadamada caalamka waxaana dhaqaalahaas uu noqon doonaa mid loogu talagalay in lagu dhameystiro dib udhiska Soomaaliya.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Hogaamiyaasha caalamka ay balan qaadeen inay caawin doonaan xukuumada cusub ee Soomaaliya gaar ahaan dhanka amaanka iyo isbadalka dhaqaalaha lagu sameyn doono in laga caawiyo, dowlada waxay hawl galin doonaa shacabkeeda si ay balamaha caalamka ka qaaday uga soo baxdo.

Shirkii sedexda maalmood ee London ka dhacay waxay dowladda madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ku heshay yabooh cusub oo gaaray $1-bilyan oo doolarka Mareekanka si loogu caawiyo dalka inuu xasiloono helo, laguna yareeyo abaarta saameesay 5-milyan iyo bar dadka Soomaaliya iyo in dalka laga xureeyo qatarta Al Shabaab kaga imaaneyso marwalbo.

Dowlada Boqortooyada Ingiriiska waxay balan qaaday inay bixin doonto $27-milyan taasi oo lagu qarash gareen doono labada sano ee nagu soo fool leh tababar siinta iyo dabagal ku sameynta ciidanka Soomaaliya si nabad galyada loo hormariyo.

Sidoo kale, Midowga Yurub oo ah halka ugu badan eee Soomaaliya deeq siiso marwalbo waxay xubnaheeda balan qaadeen inay Soomaaliya ku maal galiyaan $1.03 billion sidoo kalena taageeradooda guud waxay gaarsiin doonaan $4.5 billion ilaa 2020 laga gaarayo.

header

Waxaana ku jirto taageerida Ciidanka Midowga Afrika (AMISOM) ee Soomaaliya ku sugan, bixinta mushaaraadka booliska, kaalmo hormarin, iyo  $596-milyan oo lagu bixin doono gar gaarka aadanaha si loo xakameeyo dhibaatada baaxada leh ee abaarta keentay.

Sidoo kale xoghayaha guud ee qaramada midoobe Antonio Guterres wuxuu ku baaqay in $900-milyan oo dheeraad ah lagu bixiyo sida loo xanibi lahaa abaaraha soo laab laabtaan.

Waxaana xusid mudan markii uu shirka soo idlaaday in qaramada midoobay ay garwaaqsatay in 30% lacagaha 825-milyan ee loogu tala galay in lagu qafiifiyo abaarta halista ah ee Soomaaliya ka dilaacday la helay.

Laakiin hogaamiyaasha beesha caalamka waxay ku cel celiyeen in madaxweyne Farmaajo inuu kasoo baxo balanka uu qaaday sidoo kalena waxaa la xasuusiyay in AMISOM waligood dalka baaqi ku ahaan doonin, waxaana la isku raacay in ciidamada midowga Afrika  Soomaaliya ka bixi doonaan laga bilaabo sanada 2018.

Si kastaba, marar badan ayaa loogu deeqay Soomaaliya lacago malaayiin Dollar ah, laakiin waxaa muuqata in qarashaadkaas loo maamulay si masuq uu ku jiro.

FADLAN ARAGTIDAADA HALKAN KA DHIIBO

RA'YIGA DADWEYNAHA