“Kuwii Shalay dhiigiina Daadshay oo Maantana Raba iney dowladda Dumiyaan”

Filed under: WARARKA MAANTA |

Nabadoon Bedel Jaamac Xirsi oo ku magac dheer ”Bedel Laangare”, ayaa shaaca ka qaaday in Nabadoonada iyo waxgaradka Soomaaliyeed ay aad uga soo horjeedan Madasha Hor u socod ee looga dhawaaqay magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.

Nabadoonka ayaa sheegay in Madashu ay tahay mid dib loogu celinaayo Somalia, waxa uuna cod dheer ku sheegay in Nabadoonada iyo waxgaradka ay aad uga soo horjeedan Madasha lagu dhisay Kenya.

header

Nabadoon Bedel Jaamac Xirsi, ayaa tilmaamay in DFS aysan dib ugu laaban doonin halkii dhowr sano ka hor laga soo guuriyay waxa uuna ku baaqay in lala dagaalamo Xildhibaanada wada Madasha Hor u socod.

FADLAN ARAGTIDAADA HALKAN KA DHIIBO

RA'YIGA DADWEYNAHA