Farmaajo oo Markale Sucuudiga Ku wajahan Kadib Marka uu Masar kasoo laabto ……

Filed under: WARARKA MAANTA |

Madaxweyne Maxamed C/llaahi Faramaajo ayaa waxaa warqad casuumaad ah u soo diray Boqorka Dalka Sacuudiga.

Waxaana uu Boqorka Dalka Sacuudiga Warqada Casuumaada ah ee uu soo diray ay tahay sidii Madaxweyne Farmaajo uu uga qeyb geli lahaa Shirka Madaxda Jaamacadda Carabta iyo Mareykanka kaas oo ka dhacayo Dalka Sacuudiga.

Boqorka Sucuudiga ayaa sheegay in ay muhiim tahay in uu kasoo qeyb galo Madaxweynaha Soomaaliya maadaama Soomaaliya xilligaan ay u baahan tahay taageero.

header

Wararka ay qorayaan Warbaahinta dalka Sacuudiga waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Farmaajo uu arintaasi aqbalay islamarkaana dhawaan uu tagi doono Magaalada Riyaad.

Waa safarkii Labaad ee uu Doonayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu ku tago wadanka Sacuudiga horey safarkiisii ugu horeyay markii la doortay ayuu ku aaday Wadanka Sacuudiga halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay.

FADLAN ARAGTIDAADA HALKAN KA DHIIBO

RA'YIGA DADWEYNAHA