VIDEO:- Daawo DFS oo soo bandhigtay Meydadka iyo Hubka raggii Hoobiyeyaasha Tuurayey Muqdisho

Filed under: WARARKA MAANTA |
 Ciidamada NISA ayaa goordhow soo afjaray weerar dhex maray iyaga iyo Ruux ka tirsan Al­shabaab oo la socday ruux kale oo Hoobiyayaal ku tuuray Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.
Maleeshiyada ayaa la socday Gaari nooca raaxada ah oo ay ku rarnaayen Hoobiyayaal kaa oo laga dhex tuuraayay Hoobiyayaasha, xili uu ku sugnaa Xaafadda Buula­xuubey.
Maleeshiyada oo labo aheyd ayaa waxaa mid kamid ah la dilay xili uu doonaayay inuu ka cararo gaariga Hoobiyo tuurista kadib, halka midka labaad uu galay guri ku yaalla Isla Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir.
 Ninka labaad ee galay guriga ayaa waxa ay wada dagaalameen Ciidamada NISA ee gacanta kula jiray howlgalka, waxaana la sheegay inuu isku xiray mid kamid ah qololka guriga, waxa uuna halkaasi muddo ku dhow 40 daqiiqo kala dagaalamaayay Ciidamada NISA.

 HALKAN MUUQAALKA KADAAWO

Ciidamada ayaa ku guuleystay khaarijinta ninkaani ay dagaalka la galeen, waxa ayna ugu danbeyntii dileen xili uu dhaawacnaa, sida ay sheegen Saraakiisha Amaanka ee howlgalkaasi fuliyay.
 Waxayna ugu dambeyntii meydkooda usoo bandhigeyn saxaafadda, iyagoo ahaa laba nin oo dhallinyaro ah
a1 a2 a3 a4 a5 a6 a7FRRW

FADLAN ARAGTIDAADA HALKAN KA DHIIBO

RA'YIGA DADWEYNAHA